1 min read

Ciidamada SSC oo sheegtay inay qabsadeen taliska Goojacadde.

Dagaallo xooggan oo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka la baxay SSC Khatumo ayaa maanta la sheegay inay ka dhaceen deeggaanno ka tirsan gobolka Sool.

Dagaal culus ayaa saaka waabigirii ka billowday deegaanka Maraaga oo bariga kaga toosan magalada Laascaanood. Sidoo kale dagaallo xooggan ayaa ka dhacay taliska cidiamada Somaliland ee Goojacadde.

Waxaa adag in si rasmi ah oo madax bannaan loo oggaado dagaallada maanta dhacay oo la sheegayo in khasaaro ay ka dhasheen.

Maamulka la baxay SSC-Khatumo ayaa sheegay in ciidankoodu ay qabsadeen taliska ciidamada Somaliland ee Goojacadde, ayna sidoo kale qabteen maxaabiis.