1 min read

Guddoomiyaha G/Banaadir oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb :-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimada Dowladda goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusa-mareeb kuso dhoweyey Wafdiga uu hogaaminayey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Ujeedka socdaalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ah ka qeybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda DFS, Kuwa Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu wado inuu ka furmo Magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Galmudug.