3 mins read

Nasashada Jimcaha. Q- 371= (Xisaabtan ma xumo, Bakhiilnimo badatayna kaba daran)=

1. Haweeney ayaa Ninkeeda ku tiri: weligaa meeqa mar ayaad i khiyaantay?
Waxa uu yiri: yaaba tiri karo inta mar ee aan ku khiyaanay, kama yaro Cadadka Timaheeyga.
Waa ku soo booday iyada oo faraxsan, Labada dhafoor ayeeyna ka dhunkatay. ( F.S:1aad).

( waxa ay ogeyd in aan Madaxiisa laga helin Hal xabo oo tin ah. Siyaasiga aad Hab siinee ugu garaab in uunan Tin leheyn)

2. Nin Doob ah ayaa Saaxiibkii oo xaasle ahaa, ku yiri: Guurka ka waran, Xaaslinii ayaa yiri: waa Caadaab iyo dhibaato aad Gacantaada ku doonatay. Doobkii ayaa yiri: Guur iguma ogid, hadda ka horna waad iiga digtay.

Nin ag fadhiyay oo sheekada maqlayay ayaa yiri: yoow ku sirin, Haddii Guurku xunyahay isagaa xaaska iska diri lahaa, Hadda Xaaskiisu waxa ay leedahay Uurkii Todobaad waana ku faraxsan yahay. ( F.S:2aad)

( Haddii Nin ganacsataa uu ku yiraa, Ganacsiga aan hayo faa’iido male, Sanad kastana waan ku khasaaraa. Is weydii isagu muxuu isaga dhaafi waayay Nuuca Ganacsi ee uu hayo)

3. Haddii Saaxiibtaa mar kasta oo aad balantaan ay kuu timaad iyada oo ay la socoto Gabar kale oo Saaxiibteed ah.
Waxba ha is dhibin, saxiibteed soo dhaweey, u sheekeey, u muuji in aad daneeynee Saaxiibteed. (F.S:3aad)

( Maalin kale Gabar hore u soo wadameeyso. Haddii Nabadoonkaagu uu shaxaadka kaa badiyo isaga oo mar kasta wato Oday kale, Balami odayga kale in uu Maalin kale kaligii kuu soo noqdo, intaa kadib, Maalin dambe Nabadoonkaagu Qof kuu soo wadamaayo) .

4. Oday ayaa Saaxiibkii ku yiri: Waxaan ahaan jiray Ninka Cuntada Pizza-da Qaaliga ha qaado ee u geeyo Dadka dalbaday “Pizza Delivery Boy”. Waxa uu yiri: Ma ahan shaqo fiican. Cuntada, Waad arkee, weey kuu soo Carfee, mana Cuni kartid.
Odaygii kale ayaa yiri: Anigaba taasi wey i soo martay waxaan ahaan jiray Dhakhtar gynecologist ah. (F.S: 4 & 5aad)

( wixii Wanaagsan ee laguugu aamino Xafid oo gaarsii Cidii leheyd, Haddii kale Beryahaan Maxkamad ayaa ku socoto kuwii Xoolihii Dadweynaha qaatay – Musuq, hayeey )

5. Gabar ayaa tiri: Gabdhow ha shukaansanina Nin Jeebka dhaxdiisa Lacagta ku soo tirinayo, inta uunan Jeebkaba ka soo bixin Lacagta.

Wiil maqlayay ayaa yiri: Naag Lacag aragtay waa Burcad hubeysan ee yaa Burcad Horteeda Lacag ku soo bixi karo. ( F.S: 6aad)

( Xisaabtan ma xumo, Bakhiilnimo badatayna kaba daran)

6. Nin ayaa u tagay Dhakhtarka ilkaha Dentist. Dhakhtarkii ayaa soo qaatay Cirbadii Kabaabyada. Bukaankii ayaa Cuskaday Gacantii dhakhtarka kuna qeeyliyay Cirbad Maya.
Hadana dhakhtarkii ayaa soo qaatay Suuf la mariyay Daawada Kabaabyada. Bukaankii ayaa cuskaday Gacantii Dhakhtarka kuna yiri: May, maya.
Dhakhtarkii ayaa yiri: waxaan ku siinayaa Kaniini. Bukaankiina waa ka ogolaaday. Dhakhtarkii ayaa u keenay 4 Xabo oo ah kaniiniga “Viagra” ee Xubinta Ragga xoojiyo.
Bukaankii ayaa yiri: oo Viagra ma Xanuun Joojiyaa ” pain killer”.
Dhakhtarkii ayaa yiri: Maya ee waxad helee Meel aad Cuskato oo aan Gacanteyda aheyn, inta aan Gowska kaa siibayo.

( Ar, Markaan Wadamada Deriska Ciidamadooda Cuskeeyno oo Nabadda ay noo sugayaan ma Viagra nala siiyay).

Qore :Yahya Amir