1 min read

David De Gea oo ugu dambeyn go’aan ka gaaray kooxdiisa Manchester United.

Goolhayaha Spain David de Gea ayaa sheegay inuu ka tagayo Manchester United xagaagan, isagoo sheegay inay tahay “waqti ku haboon oo loollan cusub la geli karo”.

32-sano jirkaan ayaa ahaa wakiil xor ah maadaama qandaraaskiisa Old Trafford uu dhacay bishii hore.

De Gea waxa uu United ku sugnaa 12 sano waxana uu u ciyaaray 545 kulan.

“Waxa aan doonayay in aan fariintan sagootinta ah u diro dhamaan taageerayaasha Manchester United”ayuu ku soo qoray barihiisa bulshada.

De Gea ayaa xirfadiisa ciyaareed ka soo bilaabay Atletico Madrid, waxa uu United ugu soo biiray £18.9mn 2011kii.

Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan jeclaan lahaa inaan u muujiyo mahadnaq aan leexleexad lahayn oo aan uga mahadcelinayo jacaylkii 12-kii sano ee la soo dhaafay, wax badan ayaan qabsanay tan iyo markii uu macallinkeygii qaaliga ahaa Sir Alex Ferguson ii keenay kooxdan. Ayuu yiri