1 min read

Xafiiska Xeer ilaalinta qaranka oo xaqiijiyey in 40 Eedaysane loo qabtay Eeddo Musuq maasuq.

Muqdisho-Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa saddaxdii bil ee la soo dhaafay ku guuleystay in uu Baaris ku sameeyo afartan ruux oo ku eeddeysan in ay ku kaceen falal isugu jira Musuq-maasuq, xatooyo xoolo dadweyne, ku tagrifal awoodeed iyo dayacaad masuuliyadeed, sida ah Warbaahinta Qaranka ogaatay.

Afartanka Ruux ee Baarista lagu sameeyay ayaa dhammaantood ah saraakiil dowladeed, waxaana 18 eedaysane loo gudbiyay eedoodda Maxkamadda awoodda u leh, tirada dhiman ayaa wali waxaa ku socdo Baaris dheeri ah, waxaana marka ay soo dhamaato Baaristu loo gudbin doono Maxkamadda awoodda u leh.