July 7, 2023
Ciyaaryahan Mbappé: “Dadka aan asal ahaan ka soo jeedo ee Cameroon jacayl ayay i tuseen..”
Ciyaariyahanka u dhashay Faransiiska ee Kylian Mbappé ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yaay booqashada uu ku yimid dalka uu ka soo jeedo asal ahaan ee Cameroon. “Aad aayaan u faraxsanahay” ayuu yiri “dadku waxay i tuseen jacayl farabadan”. Goor sii horeysay ayaa taageeriayaashiisu waxay BBC da u sheegeen sida ay ugu faraxsan yihiin […]
Madaxa sirdoonka Kenya oo Muqdisho soo gaaray.
Agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Kenya, Nuuradiin Xaaji ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana halkaan ku qaabilay taliyaha sirdoonka Soomaaliya Mahad Salaad. Nuurdiin ayaa lagu wadaa inuu la kulmo, madaxda u sareysa dalka sida madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre iyagoo ka wada xaajoon doona arrimaha amniga […]
Allaha u naxariisto Marxuum Cabdi Hiired Maxamud oo dhawaan ku geeriyooday dalka Mareykanka
Inaa lilaahi wa inaa ileyhu raajicuuna. Anigoo Al Fanaan Maxamed Maclow Nuur oo ku hadlasyo magaca fanaaniinta Soomaaliyeed oo noogu weyn Al Fanaan Axmed Naaji Sacad, waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa walaasheen Faadumo Hiireed Maxamud oo walaalkeed ku geeroyooday dalka Mareekanka gaar ahaan Minneapolis taariikhdii markii ay aheed 23/062023. Waxaan ilaahey uga baryeynaa inuu […]
Ciidamada Dowladda oo howlgal ka sameeyay deegaanno duleedka Muqdisho ah.
Ciidamada Dowladda ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaano lagu tuhmaayey kooxaha khawaariijta oo isku xira gobolada Banaadir,Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe. Howlgalkaasi oo qaatay muddo saacado ah,waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamo ka socday NISA,gaar ahaan Duufaan iyo kuwo kale oo ka tirsan ciidamada Boliiska ee u tababaran sida mileteriga. Taliyaha ururja ciidanka Duufaan Taliye Karkaar […]
Sheekh Aadan Madoobe oo magacaabay guddi ka talabixiya heshiiskii Qaran ee Golaha Wadatashiga.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay Guddi gaar ah oo kasoo talabixiya heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhowaan u qabsoomay Dowaladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Golaha Wasiirada ayaa qoraalka heshiiskaan usoo gudbisay Golaha Baarlamaanka JFS si ay uga talabixiyaan doorkooda ku aadan meelmarinta hannaanka heshiiskaasi iyo faaidooyinka uu u […]
QM oo cambaareysay weerarada Israa’iil ee ka dhanka ah qaxootiga Jenin
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dhaleeceeyay weerarada ciidamada Israa’iil ay ka fuliyeen xerada qaxootiga ee Jenin oo ka tirsan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed. Weeraradaan oo ah kuwii ugu ballaarnaa muddo labaatan sano ah waxaa ku dhaawacmay In ka badan 100 qof oo rayid ah, kumannaan qof ayaana lagu qasbay inay […]
Muxuu Agaasimihii guud ee hay’adda socdaalka isku casilay?
Agaasimihii guud ee hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Cabduqaadir Cabdul oo dalka ka cararay 20 June 2023 kadib markuu helay inuu ku jiro liis la raadinayey, iyadoo xeer ilaalinta dalka si rasmi ah ugu dartay liiska eedeysanayaasha dalka ka maqan ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii agaasimaha guud ee hay’addaas.
Nasashada Jimcaha. Q-364=Caalamku waxa uu Somalida u yaqaan Dad isku asal ah, Haddii Jiridoodu ay midaysan tahay=
1. Nin ah Ciidamada Asluubta ayaa Maxbuus ku yiri: Tuug ayaa tahay Maxaad sidaa iigu fiirinee, Caawa dhan Qolkaa yar ayaad ku jiree, Aniguna halkaan ayaan kugu hor fadhiyaa. Maxbuuskii ayaa yiri: war Aniga Dambi aan galay ayaa la ii soo xiray. Adiga laftaadu Maxbuus kale ayaad tahay Aniga ayaad Caawa oo dhan i hor […]
Maraakiibta dagaal ee Shiinuha oo gaaray Nigeria.
JOHANNESBURG, SOUTH AFRICA — Maraakiib dagaal oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa gaadhay dekedda magaalada Lagos ee dalka Nigeria, arrintaas oo kor u qaaday dareenada laga qabo, in Shiinuhu uu doonayo inuu saldhig milateri ka samaysto gacanka muhiimka ah ee Guinea. Saraakiisha Shiinaha iyo Nigeria ayaa safarkan ku macneeyey in looga dan leeyahay kor u […]
Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska oo QM ku cadaadinaya in la baaro doorka Iran ee dagaalka Ukraine.
Maraykanka, Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa ku eedeeyey Iran iyo Ruushku inay ku kaceen xadgudub ka dhan ah, qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib markii ay Tehran u gudbisay dalka Ruushka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo loo adeegsaday in lagu duqeeyo magaalooyinka Ukraine. Saddexdan dal ayaa khamiistii sheegay in Tehran iyo Moscow ay […]