1 min read

Ciyaaryahan Mbappé: “Dadka aan asal ahaan ka soo jeedo ee Cameroon jacayl ayay i tuseen..”

Ciyaariyahanka u dhashay Faransiiska ee Kylian Mbappé ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yaay booqashada uu ku yimid dalka uu ka soo jeedo asal ahaan ee Cameroon.

“Aad aayaan u faraxsanahay” ayuu yiri “dadku waxay i tuseen jacayl farabadan”.

Goor sii horeysay ayaa taageeriayaashiisu waxay BBC da u sheegeen sida ay ugu faraxsan yihiin imaanshaha Mbappé

“Arrintaan muddo ayaan sugaynay ugu dambeyna waa tan na hortaalla” sidaas waxaa yiri nin uu wareysatay barnaamija wararka ee BBC.

24 jirkaan u ciyaara kooxda PSG ee Faransiiska ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha dalkaas Joseph Ngute oo ay wehliyeen saraakiil kale oo dawladeed.

Waa socdaalkii ugu horeeyay ee uu ku tago Cameroon tan iyo kuraynimadiisii.