1 min read

Madaxa sirdoonka Kenya oo Muqdisho soo gaaray.

Agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Kenya, Nuuradiin Xaaji ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana halkaan ku qaabilay taliyaha sirdoonka Soomaaliya Mahad Salaad.

Nuurdiin ayaa lagu wadaa inuu la kulmo, madaxda u sareysa dalka sida madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre iyagoo ka wada xaajoon doona arrimaha amniga iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dhanka kale Kenya ayaa dhawaan sheegtay inuu dib u dhacay qorshihii furista xudduudaha dhulka ee Kenya iyo Soomaaliya.