1 min read

Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska oo QM ku cadaadinaya in la baaro doorka Iran ee dagaalka Ukraine.

Maraykanka, Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa ku eedeeyey Iran iyo Ruushku inay ku kaceen xadgudub ka dhan ah, qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib markii ay Tehran u gudbisay dalka Ruushka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo loo adeegsaday in lagu duqeeyo magaalooyinka Ukraine.

Saddexdan dal ayaa khamiistii sheegay in Tehran iyo Moscow ay ku xadgudbeen waajibaadka ka saarnaa qaraarka tirsigiisu yahay 2231, kaasoo ka mamnuucayey Iran inay diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn cid kale u wareejiso iyada oo aan ogolaansho ka helin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, haatanse ay muuqato in lagu xadgudbay qaraarkaas.

Dalalkan ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay inay tallaabo ka qaado.

“Si gaara, Xoghayaha Qaramada Midoobay, waa inuu u diraa Kyiv koox soo baadha hadhaaga hubka uu Ruushku u adeegsaday Ukraine” ayuu sheegay Robert Wood oo ah ergeyga Maraykanka, isaga oo intaas ku daray in Antonio Guterres looga baahan yahay inuu uga warbixiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, wixii uga soo baxa, qiimaynta ay ku sameeyaan, doorka ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalka Iran ay ka ciyaareen dagaalka Ukraine.

Illaa haatan xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa ka gaws-adaygay inuu koox baadhayaal ah u diro Ukraine, isaga oo sheegay in xafiiskiisu uu isticmaali doono, macluumaadka la heli karo.

Ergeyga Ruushka ayaa sheegay in qaraarka uu tirsigiisu yahay 2231 inaanu wax door ah siinayn, in xoghayaha Qaramada Midoobay inuu khubaro diro, isaga oo sheegay inay tahay in Qaramada Midoobay ay ka fogaato baadhis iyo booqashooyin aan la isku raacsanayn.

Warbixintan waxaa qortay Margaret Besheer