Nasashada Jimcaha. Q-364=Caalamku waxa uu Somalida u yaqaan Dad isku asal ah, Haddii Jiridoodu ay midaysan tahay=
1. Nin ah Ciidamada Asluubta ayaa Maxbuus ku yiri: Tuug ayaa tahay Maxaad sidaa iigu fiirinee, Caawa dhan Qolkaa yar ayaad ku jiree, Aniguna halkaan ayaan kugu hor fadhiyaa.
Maxbuuskii ayaa yiri: war Aniga Dambi aan galay ayaa la ii soo xiray. Adiga laftaadu Maxbuus kale ayaad tahay Aniga ayaad Caawa oo dhan i hor fadhidaa Qolkaan ayaana ku jiraa. Weliba Anigu waxaan helaa Cunto lacag la’aan ah, laakin Adiga Dowladu kuma siiso Cunto Free ah. (F.S:1aad)
( Somaliya waxaa ku nool Maxaabiis aan Cunto Free ah helin, Laakin Asgariga ilaalinaa ayaa helo Cunto Free ah. Ma AMISOM aaaa)
2. Nin kaligii Jaziirad Barwaaqaa ku noolaa, ayaa Gacanta u haatiyay Dalxiisayaal Reer Galbeed ah. Waa soo dhaweeyay, waxa uu siiyay khudaar, waxa uu u sheegtay in uu barwaaqo heysto. Waa isku sawireen, waana ka tageen isaga oo u Gacan haatinayo. Muddo kadib ayeey u soo noqdeen waxa ay ka qaateen Jaziiradii isagana Qaxootinimo ayaa loo ogolaaday.(F.S: 2aad)
( kaas Adiga miyaa?)
3. Haddii 99 dhibaato ay ku heeysato, waxaa jiro Hal Xal oo aad ku Xali karto. Waa Salaadda badi. Si xiriirka aad Allaah la leedahay uu u wanaagsanaado. (F.S:3aad)
( Sidaas ma kula tahay? )
4. Si aad u ogaato dhibaatada kugu dheci karto haddii Doofaar Boqor kuu noqdo. Waxaad Akhrisaa Buugga ” Animal Farm” ee uu qoray, George Orwell.( F.S:4aad)
( Markaad Buuggaa wada Akhriso ka jawaab, inkasta oo saadaashiisu si gaar ah u tilmaameysay 1884)
5. Haddii Dhirtu hoos isaga Xiran tahay oo Xididadeedu ay mideeysan yihiin, qeybta kore Dabeeyshu ma ridi karto.( F.S:5aad)
( Caalamku waxa uu Somalida u yaqaan Dad isku asal ah, Haddii Jiridoodu ay mideeysan tahay, Dabeeysha Cadawgu Somalida ma ridi karo, Laakin………)
6. Cali yare ayaa Gabar ay dhawaan is barteen ku yiri: Caawa 7da Fiidnimo ayaan kuu soo istaaga Jidka labaad ee Xaafadda. Markii ay u timid, waxa ay aragtay Saaxiibkeed oo Gaari ku dax jiro. (F.S: 6aad)
(Xaaladdaa markii ay aragtay, Go’aanka ay qaadatay muxuu kula yahay?, Shacabkii wax wanaagsan, Siyaasiyiintu u balan qaadeen, haddii ay arkaan in…….)
Qore: Yahya Amir¹