3 mins read

Goofaha Haabaay, Gandarshe iyo UN. 1958.

Qoraaladii aan hore uga soo helay Kaydka Dokumentiyada UN-ka, ee “UN Archive” , waxaan ku arkay Somali, Shirkad iyo Ganacsato Danley ah oo Goof isku Dacweynaa 65 Sano ka hor. Dacwadii waxaa ku guuleystay Markaa Dadkii deegaanka. (F.S: 1aad)

Waxa ay u qorneed sidaan:

I. Cabashadii, Al Xaaji Cabdullahi Sh. Abiikar ( T/PET. 11/735)

1. Warqadaan oo soo baxday 8 November 1958. waa cabasho aan ku Ashtakoonaa, Aniga oo ka wakiil ah Dadka Reer Gandarshe, waxaan ka cabaneynaa Dhaqdhaqaaqa Shirkad Shidaal oo Mareykan ah. Waxaana ka Codsanaa UN in ay arrintaa soo faragaliso.

2. Isagu ( Xaji Cabdullahi) waxa uu ka cabanaa in shirkaddu ay Qodeeyso Dhulkiisa, mana Aqoonsano warqadda Fasaxa ah ee Dowladda Daakhiliyadu ay siisay Shirkadda. Wax magdhaw ahna lagama siin. Waxa kale oo uu ka dacwoonaa Ganacsatada Reer Maraay Ascia iyo Reer Hobyo ah, kuwaa oo Ganacsi ka bilaabay Gandarshe iyaga oo si sharci daro iyo Dulmi ah Mareykanka ugu sheegay in aynan aqoonsan ama tixgalin cabashada Reer Gandarshe.

3. Baaritaankii Haydda Maamulku ay sameysay ee ( T/CBS. 11/ 102, Qeybta 1aad) in dhulka la isku heysto aynan leheyn Dadka Dacwoonayo iyo Qabiilkuba uuna yahay dhul Banaan oo bacaad ah oo aan weligii la tacban.

Soo koobidan Telgaramyadii loo diray UN-ka oo markaa aheyd tii na gaaraiineysay Xuriyadda waxaa ka muuqdo saddax aragti oo kala ah:

1. In Al xaji Cabdullahi Sh. Abiikar iyo Dadka Reer Gandarahe ay 65 Sano ka hor ka dacwoonayeen Dhulkoodaa oo Rag Ganacsataa oo Deegan kale ka yimid ay kula heshiiyeen Shirkad.

2. Taarka 2aad oo la soo koobay waxa uu muujinayaa In Reer Gandarshe aynan Aqoonsaneyn Go’aankii Xukuumaddii Daakhiliyadda oo si sharci daro ah ku bixisay Deegaan ka mid ah Goof Xeebeedka Gandarshe, wax wada hadal iyo Magdhaw ahna aan laga siin Dadkii Deegaanka.

3. Taarka Sadaxaad – Qodobka 3aad, waxa uu muujinayaa in Maamulkii Daakhilyaddu ay la safteen dhinicii Ganacsatada iyo Shirkadda oo ku doodayo Dhulkaa in aynan leheyn kuwa u dacwoonayo iyo Qabiilka Deegaanku.

Dacwooyinkii ay Qoreen Reer Gandarshe iyo sidii ay dhulkooda ku soo ceshadeen oo Faahfaahsan waxaad ka heli kartaa Kaydka Qoraaladda UN-ka ee Magaalada New York ee Dalka Mareykanka lagu keydiyay 65 Sano ka hor.

Dhul xeebeedka u dhexeeyo Xamar ilaa Marko Hadda waa wada cabiran yahay weliba meelaha qaar waxaa la siiyay Shirkado iyo Shakhsiyaad loo cabiray 30.000 Boos iyo ka badan. Kan Xamr iyo Haawaayna hadeey ku socotaa.

Boobkii Bilaawday 65 Sano ka hor Aabayaashii difaacay, waxaa la sugayaa Caruurtooduna in ay u sii difaacaan Caaruurtooda Jiilka dambe, kana ilaaliyaan Shirkado, Danleey deegaanka ah iyo Maamul Gobaleed Muqus ah oo u sharciyeeyo.

Dhulka Xeebta ku dhirirsan ee Labada Shabeele ee Xamar Darfaha ka xigo ( xamar ilaa Marko iyo Xamar ilaa warshiikh. Haabaay iyo Gandarshe ) maxaa Shirkaduhu u boobaan iyaga oo adeegsanaa Dadka deegaanka qaar? (F.S: 2 & 3aad)

Dhinac waxaa lagu sheegay in Airport laga dhisayo, Dhinacna waxaa lagu sheegay in dhinaca Berriga ee Xeebta u dhaw uu ku yaal Ceelka Gaaska la shito ee ( Koryoleey Basin 3) dhab ahaan lama ogo halka uu uga yaal Berriga xeebta, Nin waliba waxa uu is leeyhay ku nasiibso. Ma xumo Ganacsatadu mar mar waa ku nasiibsadaan maalgashiga laakin waxaa muhim ah:

1. Sida aad ugala heshiisay Dadka Deegaanka.
2. Sharciga aad kula wareegtay Saxnimadiisa.
3. Ogolaashaha Dadka deegaanka.
4. Dhowridda Maslaxada Mustaqbalka ee Dadka Deegaanka.

Wixii Faahfaahin ah ka raadi Kaydka UN – New york, 1958 wakhtigii Daakhiliyada ee AFIS ee Xuriyad Gaarsiinta.

FG: Wixii ka khaladan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir