1 min read

Madaxweyne Cali Guudlaawe ”Maanta sinabad ah ayaa looga Ciiday degaannadii laga saaray Al-Shabaab”

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta salaada ciida boqolaal shacab iyo mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulka  kula dukaday Masjidka Madaxtooyada Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Dadka Hirshabeelle ugu hambalyeeyay farxada munaasabada Ciida Carafo isagoo Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay is caawiyaan isu naxariistaan isna garabsadaan.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Ciidamada Geesiyaasha iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee naftood hurayaasha ah ee ku ciidaya furaha hore ee dagaalka iyagoo oo Al-Shabaab ka saaray degmooyin iyo deegaano badan oo maanta si nabad ah loogu ciidayo.