26 Apr, 2024
1 min read

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo baab’’iyey xeerar horey u soo saaray madaxweynihii hore Farmaajo.

MUQDISHO — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baab’’iyey xeerar horey uga soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo lasoo saaray sanadkii 2020. Xeerarkan ayuu madaxweynaha sheegay in Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay tilmaameen in ay khilaafsan yihiin habraaca Dastuurka kmg ah uu tilmaamayo. Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in […]

1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh : “Dowladda Soomaaliya waxay dadaal ku bixinaysaa dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka …”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Tiyaatarka Qaranka kaga qeyb galay munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ayaa bareyaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalintan qiimaha badan. Madaxweynaha ayaa xusay in Macallimiinta Soomaaliyeed ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed, […]

1 min read

Midowga Afrika oo howlgalka ATMIS ugu baaqay inay dar dar geliyaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Mohammed El-Amine Souef ayaa booqday ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, taasoo qeyb ka ah barnaamijkiisa Soomaaliya. Amb. Mohammed El-Amine Souef ayaa bogaadiyay shaqada ciidamada ATMIS ee taageeraya ciidamada ammaanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab. Wakiilka […]

1 min read

Dowladda Soomaaliya oo ka shaqeynaysa qorshe sannadka 2023 looga qaadayo cunaqabataynta hubka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse ayaa magaalada Dublin ee dalka Ireland kula kulmay simon Coveney, wasiirka arimaha dibadda iyo difaaca ee dalka Ireland. Kulanka ayaa ku saabsanaa iskaashiga ka qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya 2023 iyo taageerada Soomaaliya ee ku aaddan xubinimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee doorashada June 2024. Dalka […]

1 min read

Ciidamada Ruushka oo kordhiyay duqeymaha ay ka wadaan gobolka Kherson.

Ciidamada Ruushka ee ku sugan Koonfurta dalka Ukraine ayaa kordhiyey duqeymaha ay ku hayaan gobolka Kherson ee dhawaan la xoreeyey. Magaaladu ayaa inta badan koronto la’aan ama biyo la’aan la daalaa dhacaysa. Waxaa markale la duqeeyay, warshadda nukliyeerka ee Zaporizhzhiya ee waddanka Ukraine ayaa ah midda ugu weyn ee ku taal qaaradda Yurub, xilli mas’uuliyiinta […]

1 min read

Booliska Kaaraan oo gacanta ku dhigay nin lagu eedeeyay inuu muuqaallo caro dhaliyey ka duubay gabar.

Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in taliska Ciidanka Booliska degmada Kaaraan ay gacanta kusoo dhigeen xalay eedeysane 24-kii saac ee lasoo dhaafay lagu faafiyey muuqaalkiisa baraha bulshada isaga oo tacadi u geysanaya gabdho aan qaangaar aheyn, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SONNA. SONNA ayaa sidoo kale sheegtay in eedeysanaha oo lagu magacaabo […]

1 min read

Xulka Ecuador oo 2-0 uga badiyay xulka Qadar ciyaartii furitaanka Koobka Aduunka.

DOHA — Xulka Ecuador ayaa 2-0 uga badiyay xullka Qadar ciyaartii furitaanka Koobka Adduunka oo caawa si rasmi ah uga biloowday magaalada Doha ee waddanka Qadar. Weeraryahanka ruug cadaaga ah ee Ecuador Enner Valencia ayaa dhaliyay labada gool ee xulka Ecuador, waxaana goolka hore oo ahaa mid rigoore ah uu dhaliyay daqiiqaddii 16-aad, halka goolka labaad […]

1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay xubno cusub oo ka tirsan maamulka Gobolka Benaadir

MUQDISHO — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto ku magacaabay guddoomiye ku xigeennada iyo xoghayaha gobolka Benaadir, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada. Guddoomiye ku xigeennada la magacaabay ayaa kala ah; Ciise Maxamuud Guure, Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga, Cabadicasiis Cismaan Maxamed Guddoomiye […]

1 min read

Madaxweynaha Dalka Oo Xarigga Ka Jaray Madaxtooyada Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Madaxtooyada Galmudug. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku bogaadiyey madaxda dowlad-goboleedka Galmudug dadaalka xooggan ee ay galiyeen dhismaha xarumaha danta guud ayaa tilmaamay in hirgelinta mashruucan iyo halganka lagu xoreynayo […]