Maxkamad Ku Taalla Maraykanka Oo Xukun Ku Riday Nin Soomaali Ah Oo Dilay Xaaskiisa
Maxamed Abidaasis Keerow oo 48 jir ah, ayaa xeer beegtida San Diego ku xukuntay 26 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay inuu xaaskiisa ku dilay magaalada Cleveland Heights ee gobolka California, sida ay baahisay warbaahinta Times of San Diego. Horaantii sanadkan ayaa ninkan lagu xukumay dil darajada 1-aad ah, isagoo loo haystay […]
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka furmay shirka caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya oo socon doona muddo labo maalmood ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka furmay shirka caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya oo socon doona muddo labo maalmood ah. Shirka oo ay ka qaybgaleen wakiillo ka socda hay’ado iyo dalal shisheeye oo qaarkood ay horey u maalgashteen Soomaaliya qaarkoodna ay doonayaan inay hadda maalgashi ku sameystaan Soomaaliya ayaa looga gol leeyahay […]
Khasaare dhimasho oo laga soo tabiyay weerarka ka socda Villa Rose
Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay kooxda Al-Shabaab weerar ku qaadeen hoteel caan ah oo ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Goob joogayaal ayaa BBC-da u sheegay in ay maqleen qaraxyo badan iyo rasaas xooggan oo ka dhacayay hoteelka Villa Rose oo […]
Koobka Adduunka: Morocco oo guuldarro dul dhigtay Belgium, Costa Rica 1 Japan 0.
DOHA — Xulka Marocco ayaa 2-0 uga badiyay xulka Belgium ciyaar ka tirsaneyd qeybta F ee Koobka Adduunka, waxaana labada gool ee guusha ee dhaliyay Abdelhamid Sabiri iyo Zakaria Aboukhlal Guuldarran ayaa sidoo kale mugdi gelisay rajadii waddanka Belgium uu ka lahaa inuu kasoo baxo qeybtan tiiyo ay jirtay inay ka mid ahaayen xulalka loo saadaaliyay […]
Deegaanka Dhadhaab oo lagu beeray dhir aad u tiro badan
Ismaamulka Gaarisa ee Woqooyi Bari Kenya, ayaa deegaanka Dhadhaab ka hirgaliyey mashruuc dhir beeris ah. Muddo kooban oo lix bilood ka yar, ayaa lagu beeray wax ka badan lix kun oo geed. Mas’uuliyiinta mashruucan gacanta ku haya ayaa BBCda u sheegay in ujeedadu tahay sidii loogga hortagi lahaa xaalufka deegaanka. Sidoo kale mas’uulyiita, ayaa doonaya […]
Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday degaanka Nuur-dugle.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday degaanka Nuur-dugle ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ka mid ah goobaha ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka oo iskaashanaya ay ka saareen Al-Shabaab. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa socdaalkan ku macneeyey inuu qeyb ka yahay dardargelinaya dagaalka “lagu ciribtirayo argagixisada” A-Shabaab. Madaxweyne Xasan ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo […]
Qorshaha Horumarinta Qaranka Oo Lagu Qabtay Muqdisho
Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha Ee Qorshaha Horumarinta Qaranka Oo Lagu Qabtay Muqdisho Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS ayaa maanta ku qabatay magaalada Muqdisho kulan Wadatashi ah oo ku saabsan Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha ee Qorshaha Horumarinta Qaranka (QHQ-9) iyo howlaha Hor-tabinta u leh Qorshaha Xukuumadda Dan-Qaran. Shirkaan Wadatashi oo ay […]
RW Xamse oo magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta
Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda JFS ayaa u magacaabay Mustafa Yaasin Sheekh Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Kadib soojeedinta Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda. Mudane Mustafa Yaasin Sheekh oo ahaa Ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda, waxa uu ka howlgelayey Hay’adda tan iyo markii la asaasay ayaa ah khabiir xog’aal u ah howlaha hay’adda iyo siyaasaddaha Isgaarsiinta dalka. […]
Golaha Wasiirada oo ansixiyay Qaraar la xiriira deegaannada laga saaray Al-Shabaab
Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey laba Hindise Sharciyeed, Qaraar la xiriira deegaannada laga saaray Al-Shabaab iyo soo jeedinta magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe. Kulan ayaa Golaha Wasiirradu ku ansixiyeen Qaraar ka kooban 12 qodob oo la xiriira deegaannada […]
Midowga Afrika oo aqbalay codsi uga yimid Dowladda Soomaaliya.
Golaha Midowga Afrika ee (AU) ayaa kulankiisii 1121-aad, ee la qabtay 11-kii bishaan November 2022, ku tixgaliyay codsi ka yimid Dowladda Soomaaliya ee ah dhimista ciidamada howlgalka midowfa Afrika ee ATMIS. Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki ayaa kaddib u gudbiyay qoraal golaha ammaanka, si loo ansixiyo kordhinta dhimista (2,000) oo askari howlgalka ATMIS wixii […]