1 min read

Xulka Ecuador oo 2-0 uga badiyay xulka Qadar ciyaartii furitaanka Koobka Aduunka.

Xulka Ecuador ayaa 2-0 uga badiyay xullka Qadar ciyaartii furitaanka Koobka Adduunka oo caawa si rasmi ah uga biloowday magaalada Doha ee waddanka Qadar.

Weeraryahanka ruug cadaaga ah ee Ecuador Enner Valencia ayaa dhaliyay labada gool ee xulka Ecuador, waxaana goolka hore oo ahaa mid rigoore ah uu dhaliyay daqiiqaddii 16-aad, halka goolka labaad oo ahaa mid madax ah uu dhaliyay daqiiqaddii 31-aad ee qeybta hore ee ciyaarta.

Qatar oo dooneysay in ay ka fogaato in ay noqoto marti-geliyii ugu horraysay ee koobka adduunka ee laga badiyo ciyaartii furitaanka ayaa u muuqatay mid cabsi kusoo gashay, inkasta oo ay bilo u diyaar garoobaysay koobkan

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Al Bayt, ayna soo garoonka soo galeen 67,372 oo taageerayaal u badnaa dalka martiga loo yahahay ee Qadar ayaa dhinaca kale Valencia, oo 33 jir ah, ayaa daqiiqadii seddexaad ee ciyaarta laga diiday gool noqon lahaa midkii koowaad.

Ciyaaraha kale ee berri la ciyaarayo waxaa is arki doonaa xulalka Senegal iyo Holland oo qeybta A la wadaaga xulalka Qadar iyo Ecuador.

Qeybta B, waxaa iyaguna berri iska horimaan doonaan dalalka England iyo Iran, halka Mareykankuna ka hortagi doono Wales.

Wararka iyo natiijiyinka kusoo kordha ciyaarahan, halkan ayaad kala socon doontaan.

Qeyb ka mid ah warbixintan waxaan kasoo qaadanay Reuters.