1 min read

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo baab’’iyey xeerar horey u soo saaray madaxweynihii hore Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baab’’iyey xeerar horey uga soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo lasoo saaray sanadkii 2020.

Xeerarkan ayuu madaxweynaha sheegay in Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay tilmaameen in ay khilaafsan yihiin habraaca Dastuurka kmg ah uu tilmaamayo.

Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in isaga oo tixraacaya Qodobka 87aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, oo ku waajibinaya ilaalinta iyo horumarinta mabaadi’da aasaasiga ah ee Dastuurka dalka, uu buriyey xeererka Madaxweyne kala ah:

1- Xeer Madaxweyne Lr.40 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 9aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

2- Xeer Madaxweyne Lr.42 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 10aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

3- Xeer Madaxweyne Lr.41 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Hey’ada Diiwaan-Gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay soo dhisto Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xubnaha Guddiga a Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka si waafaqsan Qodobka 112aad ee Dastuurka KMG iyo shuruucda lagu dhisay.