Madaxweynaha Ukrine oo helay $128m xilli uu booqday Mareykanka
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa booqashadiisii labaad ku tagay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, tan iyo markii ciidamada Ruushka ay duullaan ballaaran ku qaadeen dalka Ukrine.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo Khamiistii isaga iyo golahiisa wasiirada la kulmay Madaxweynaha Ukrine ayaa ku dhawaaqay ama iftiimiyay kaalmo cusub oo militari, oo ku kacaysa $128m.
Kaalmada mileteri ee uu hadda bixiyay mareykanka madaafiic badan, rasaas badan, hub badan iyo taangiyada Abraham oo Toddobaadka soo socda, la xaqiijiyay in Maraykanka uu geyn doonaa Ukraine.”
Madaxweynaha Ukrine Volodymyr Zelenskyy ayaa u mahadceliyay madaxda Mareykanka oo garab istaagay dalkaasi mudada 575-ta maalmood ee ay ku iraan dagaalka tan iyo markii uu Ruushku uu ku duulay dalkaasi sanadkii 2022.