1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Xildhibaanno,siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan wadatashi ah Magaalada Dhusamareeb kula qaatay guddoonka iyo Xildhibaanada BFS, siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qaranka ee ka howlgala furimaha dagaalka.

Kulankaaasi waxaa dhinacyada ka qeybgalay ay ka arrinsadeen dardar galinta dagaalka Khawaarijta,iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh   oo ka hadlay kulankaasi uu xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay la dagaalanka kooxaha khawaarijta ee weli ku sugan gudaha dalka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku taliyay in dhallinyarada la marin habaabiyay ay ka soo laabtaan la shaqeynta kooxaha nabad-diidka ah,isla markaana ay wax la qeybsadaan bulshada Soomaaliyeed ee u xusul duubaya horumarkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa markale uu shacabka ku  adkeeyay in ay u midoobaan cadowga khawaarijta ee weli ku sugsn gudaha dalka.