1 min read

Guddoomiyaha G/Banaadir oo gaaray deegaanka Daaru-nicma ee Gobolka Sh/Dhexe

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow gaaray Deegaanka Daaru-nicma ee Gobalka Shabeelaha Dhexe,halkaasi oo loogu soo dhoweeyay si diiran.

Guddoomiyaha ayaa goob fagaara ah kula hadlay ciidanka qaranka iyo dadka deegaankaasi,isagoo ku dhiirgaliyay sida naf hornimada leh ee ay had iyo jeer ugu taagan yihiin baacsiga Argagixisada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yusuf Madaale waxa uu ku amaanay ciidanka qaranka ,kuwa deegaanka iyo dadka kale sida geesinimada leh ee ay uga hortageem kooxahaasi iyo dadaalka ay ku muuiyeen in khawaarijta laga  sifeeyo halkaasi.

Deegaanka Daaru-nimc waxa uu ka mid yahay deegaanada istiraatiijiga ah ee laga saaray kooxaha Khawaarijta.