September 14, 2023
Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay dagaalka lagu la jiro Al Shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta shir guddoomiyay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada, oo looga hadlay hawlgalka ka socda qaybo ka mida dalka. “Kulanka golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixino la xiriira amniga dalka, canshuuraha, isku xirka warbaahinta ee arrimaha dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta iyo warbixin la xiriirta xiriirka soo jireenka […]
Booliiska Uganda oo mamnuucay isu soo baxyada mucaaradka ee Bobi Wine.
Booliska dalka Uganda ayaa mamnuucay isu soo baxyada siyaasadeed ee uu soo qaban qaabiyay hogaamiyaha mucaaradka Robert Kyagulanyi, iyagoo ku sababeeyay xadgudubyo ka dhan ah nidaamka guud iyo meel ka dhac ka dhan ah madaxweynaha. Ku xigeenka Isbatooraha Guud ee Bilayska Tumusiime Katsigazi ayaa Arbacadii sheegay in hal qof uu ku dhintay 10 kalena ay […]
Maraykanka oo 85 milyan oo dollar oo gargaar ah u diidaya Masar. 85 milyan oo dollar oo gargaar ah u diidaya Masar.
Mareykanka14 Sebtembar 2023 Maraykanka oo 85 milyan oo dollar oo gargaar ah u diidaya Masar. ayaa qorsheynaya inuu joojiyo 85 milyan oo dollar oo ah gargaarka milatari ee Masar, sababtoo ah Qaahira waxay ku guuldareysatay inay buuxiso shuruudaha Mareykanka ee sii deynta maxaabiista u xiran arrimaha siyaasadeed iyo arrimo kale, sida lagu sheegay ogeysiis Congress-ka […]
Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Aqalka sare oo gaaray Laascaanood .
Wafti uu hoggaaminayo Guddoomite Ku-Xigeenka 2aad ee Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde oo ka kooban xildhibaanno ka tirsan labada gole iyo Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda ayaa gaarey magaalada Laas Caanood ee gobolka Sool. Ujeeddada wafdigan ayaa ah u kuurgalida, xaalada degaanka iyo sidii ay dowladda Federaalka ugu gudbin lahaayeen warbixin […]
Walaalo kala maan ah !!!. WQ:Prof. Yahye Amir
Sidee la isku fahamsiikaraa, Walaalaha kala maanka ah. 1. Dhalinyarada Qurba joogta ahi, waxa ay u heeystaan kuwa Qaran jooga ah, in ay yihiin kuwo Maskaxda ka qunfulan oo aan la socon Aduunka, una baahan in ay wax ka bartaan walaalahooda Qurba joogta ah. ( F.S:1aad) 2. Dhalinta Qaran joogta ahi waxa ay u heystaan […]
Dab khasaare dhaliyay oo ka kacay deegaanka Milxo oo caan ku ah dahabka
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Milxo ayaa sheegaya in dab xoogan oo khasaare badan dhaliyay uu ka kacay deegaankaas oo ku yaala inta u dhaxeysa Laasqorey iyo Bosaaso. Dabkan oo kacay saaka ayaa burburiyay xarumo badan oo ganacsi. Dadka ku noolaa aagaas ayaa lagu soo warramayaa inay isaga baxeen deegaankaas. Weli lama soo sheegin khasaaro […]
Maxkamada ciidamada oo xukunno kala duwaan kuriday labo ruux oo ka tirsanaa Khawaarijta.
Maxkamada ciidamadada ayaa xukunno kala duwaan ku riday labo ruux ka tirsana Khawaarijta ka geystay magaalada Muqdisho falal dilal iyo arbushaadda oo lagu qalqal galinayay amniga. Labada ruux ayaa kala ahaa Axmed Xasan Baariyow iyo Aadan Maxamed Qoslaaye oo Argagixisada ku kala biiray 2012 iyo 2020-kii, waxa ay ahaayeen Jawaasiis soo hubiyo howlaha la fulinayo […]
Maxaad ka taqaanaa IPhone-ka uu Faransiiska joojiyay kadib walaac uu ka muujiyay heerarka shucaaca ee uu sii daayo?..
Faransiiska ayaa ku amray shirkadda Apple inay joojiso iibinta taleefoonka iPhone 12 maadaama uu sii daayo shucaac aad u badan. Talaadadii, ilaalada Faransiiska ee maamusha inta jeer ee raadiyaha ayaa sidoo kale u sheegtay shirkadda weyn ee teknolojiyadda inay hagaajiso taleefannada hadda suuqa ku jira. Waaxda ANFR ee Fransiiska waxay kula talisay Apple in haddii […]
Madaxweyne Xasan “Dagaalka Al-Shabaab lagula jiro waa mid gobanimo u dirir ah…”
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ku tilmaamay mid waafaqsan mabaadi’da shareecada Islaamka, lana mid ah dagaalkii lagu raadinayay xorriyadda dalka. Madaxweynaha ayaa hadalkan u sheegay saraakiisha guutooyinka Gorgor ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, oo uu kula kulmay xarunta howlgalinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb. Sida lagu sheegay […]
Tirada dhimashada ee daadadka Liibiya oo dhaafay 6,000 qof.
TRIPOLI — Daadadka xooggan ee ku dhuftay dalka Liibiya ayaa dilay in ka badan 6,000 oo qof, iyada oo 10,000 oo qof oo kalena la la’yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen. Dadka la la’yahay ayaa loo malaynayaa in daadadku ay qaadeen oo ay ku dareen badda Mediterraneanka ama ay ku jiraan qashinka iyo ciidda hoostooda, […]