1 min read

Tirada dhimashada ee daadadka Liibiya oo dhaafay 6,000 qof.

Daadadka xooggan ee ku dhuftay dalka Liibiya ayaa dilay in ka badan 6,000 oo qof, iyada oo 10,000 oo qof oo kalena la la’yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Dadka la la’yahay ayaa loo malaynayaa in daadadku ay qaadeen oo ay ku dareen badda Mediterraneanka ama ay ku jiraan qashinka iyo ciidda hoostooda, sida ay sheegeen masuuliyiinta Liibiya.

Hay’adda socdaalka dunida ee IOM ayaa sheegtay in fatahaadaha ka dhashay daadadku inay si xun ugu dhufteen dhinaca bari ee dalkaas, iyaga oo barakiciyey in ka badan 30,000 oo qof.

Hay’adda IOM ayaa intaas raacisay in inta ugu badan ee dadkan barakacay ay ku noolaayeen magaalada Derna oo ay daadadku khasaare xooggan u geysteen. Halka kumanaan kun oo qof oo kalena ay ka barakaceen magaalooyin ay ku jirto Benghazi.

Laba biyo xidheen oo u dhowaa magaalada Derna ayaa fatahay, taasoo uga sii dartay xaaladda.

Illaa haatan xog sugan lagama heli karo khasaaraha ka dhashay daadadkan, maadaama ay xukuumado iska soo horjeedaa ay ku loolamayaan awoodda dalkaas. Masuuliyiinta qaarkood ayaa aamintan in tirada dhimashadu ay laba jibaarmi karto.