1 min read

Maraykanka oo 85 milyan oo dollar oo gargaar ah u diidaya Masar. 85 milyan oo dollar oo gargaar ah u diidaya Masar.

Mareykanka14 Sebtembar 2023 Maraykanka oo 85 milyan oo dollar oo gargaar ah u diidaya Masar. ayaa qorsheynaya inuu joojiyo 85 milyan oo dollar oo ah gargaarka milatari ee Masar, sababtoo ah Qaahira waxay ku guuldareysatay inay buuxiso shuruudaha Mareykanka ee sii deynta maxaabiista u xiran arrimaha siyaasadeed iyo arrimo kale, sida lagu sheegay ogeysiis Congress-ka oo ay heshay Reuters iyo Senator Mareykan ah.

Senator Chris Murphy, oo katirsan xisbiga dimuqraadiga ah, ayaa ku booriyay maamulka Biden inay joojiyaan $235 milyan oo dheeri ah, laba ilo oo kale oo arrintan la socda ayaa sheegay in go’aan ku saabsan lacagahaas la filayo dhawaan.

85-ka milyan ee dollar ee la xayiray, 55 milyan ayaa loo wareejin doonaa Taiwan, 30 milyan ee soo hartayna waxaa loo wareejin doonaa Lubnaan, sida lagu muujiyay warqad ay wasaaradda arrimaha dibadda u dirtay guddiyada congress-ka taas oo kusaabsan maalgelinta militariga shisheeye.

Safaaradda Masar ee Washington si degdeg ah ugamay jawaabin arrintan kadib markii xiriir ay Reuters la sameysay.