1 min read

Madaxweyne Xasan “Dagaalka Al-Shabaab lagula jiro waa mid gobanimo u dirir ah…”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ku tilmaamay mid waafaqsan mabaadi’da shareecada Islaamka, lana mid ah dagaalkii lagu raadinayay xorriyadda dalka.

Madaxweynaha ayaa hadalkan u sheegay saraakiisha guutooyinka Gorgor ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, oo uu kula kulmay xarunta howlgalinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia, waxa uu madaxweynaha saraakiisha ka dhageystay warbixinno ku saabsan dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha, oo ka hadlay muhiimadda dagaalka, ayaa ku tilmaamay mid muhiim u ah jiritaanka dadka Soomaaliyeed, wuxuuna hoosta ka xariiqay in uu yahay halgan gobonimo u dirir ah oo la mid ah dagaalkii lagu raadinayay xorriyadda shacabka Soomaaliyeed iyo qarankooda loogana soo horjeeday gummeystaha shisheeye.

“Waxaad ku jirtaan dagaal waafaqsan mabaadii’da Shareecada Islaamka loogana helayo ajar Alle agtiisa. Wadankaan wadadii uu ku gaari lahaa sharafta iyo karaamada umadaha kale leeyihiin ayaad naftiina u hureysaan, dowlada iyo shacabka Somaaliyeedna waa idin garab taaganyahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gaaray magaalada Dhuusomareeb 5-tii August, isaga oo muddadaas booqday deegaano kale oo ka mid ah gobollada dhexe si uu u dhiiri-geliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kahor inta aanu dib ugu soo laaban caasimadda Galmudug.

Ciidamada dowladda, oo kaashanaya shacabka hubeysan, ayaa tan iyo waqtigaas dagaallo dhowr ah ay la galay kooxda Al-Shabaab, oo ay ka qabsadeen deegaano dhowr ah.