1 min read

Maxkamada ciidamada oo xukunno kala duwaan kuriday labo ruux oo ka tirsanaa Khawaarijta.

Maxkamada ciidamadada ayaa xukunno kala duwaan ku riday labo ruux ka tirsana Khawaarijta ka geystay magaalada Muqdisho falal dilal iyo arbushaadda oo lagu qalqal galinayay amniga.

Labada ruux ayaa kala ahaa Axmed Xasan Baariyow iyo Aadan Maxamed Qoslaaye oo Argagixisada ku kala biiray 2012 iyo 2020-kii, waxa ay ahaayeen Jawaasiis soo hubiyo howlaha la fulinayo ee Dilalka iyo Arbushaadda Muqdisho ilaa Ceelasha.

Axmed Xasan Baariyow iyo Aadan Maxamed Qoslaaye ayaa waxa ay ahaayeen saaxiibbo iska raacay isticmaalka maandooriyah loo yaqaan Xashiishka,Baariyow oo muddo gaaraysa 10 sano la shaqaynayay Khawaarijta ayaa waxaa uu ku Qanciyayy  Qoslaaye oo ay saaxiibo ahaayeen.
Maxkamadda Ciidamadada oo kiiskooda u fariistay ayaa waxay ku kala xukuntay  xukunno kal duwaan,Axmed ayaa maxkamada ku riday xukun gaaray ilaa 15 sano xabsi ciidan ah halka Aadan ay ku xukuntay maxkamada  5 sano oo Xabsi Ciidan ah.