1 min read

Dab khasaare dhaliyay oo ka kacay deegaanka Milxo oo caan ku ah dahabka

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Milxo ayaa sheegaya in dab xoogan oo khasaare badan dhaliyay uu ka kacay deegaankaas oo ku yaala inta u dhaxeysa Laasqorey iyo Bosaaso.

Dabkan oo kacay saaka ayaa burburiyay xarumo badan oo ganacsi. Dadka ku noolaa aagaas ayaa lagu soo warramayaa inay isaga baxeen deegaankaas.

Weli lama soo sheegin khasaaro nafeed oo uu sababay dabkaas.

Milxo oo lagu tilmaamo deegaanka laga qodo dahabka ugu badan Soomaaliya, waxa ay ka tirsan tahay gobolka Sanaag, gaar ahaan waxay hoos tagtaa degmada qadiimiga ah ee Laasqorey oo saaran biyaha Badda Cas.

Deegaankaasi waxa uu ku yaalla dhulka loo yaqaanno “Macagta” oo ah halka ay ka billowdaan Buuraha Calmadow.

Wixii war ah oo ka soo kordha dabkaas, halkan ayaan idinkala socodsiin doonnaa.