1 min read

Maxaad ka taqaanaa IPhone-ka uu Faransiiska joojiyay kadib walaac uu ka muujiyay heerarka shucaaca ee uu sii daayo?..

Faransiiska ayaa ku amray shirkadda Apple inay joojiso iibinta taleefoonka iPhone 12 maadaama uu sii daayo shucaac aad u badan.

Talaadadii, ilaalada Faransiiska ee maamusha inta jeer ee raadiyaha ayaa sidoo kale u sheegtay shirkadda weyn ee teknolojiyadda inay hagaajiso taleefannada hadda suuqa ku jira.

Waaxda ANFR ee Fransiiska waxay kula talisay Apple in haddii aysan ku xallin karin arrinta iyada oo loo marayo cusboonaysiinta softiweer, waa inay dib u soo celisaa iPhone 12 kasta oo lagu iibiyay dalkeeda.

Laakin Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa horey isku dayday in ay meesha ka saarto cabsida laga qabo shucaaca ay sii daayaan taleefannada gacanta.

Waxay ku sheegtay boggeeda internetka inaysan jirin wax caddayn ah oo lagu soo muujinaya shucaaca hoseeya ay waxyeello u geystaan ​​aadanaha.

IPhone 12 ayaa markii ugu horeysay la sii daayay Sebtembar 2020, walina waxaa lagu iibiyaa adduunka oo dhan.