1 min read

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay dagaalka lagu la jiro Al Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta shir guddoomiyay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada, oo looga hadlay hawlgalka ka socda qaybo ka mida dalka.

“Kulanka golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixino la xiriira amniga dalka, canshuuraha, isku xirka warbaahinta ee arrimaha dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta iyo warbixin la xiriirta xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya dowladaha walaalaha ah ee Somaliya iyo Jabuuti.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Raysal Wasaaraha ayaa bogaadiyay doorka shacabka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin gulufka militari ee la doonayo in lagu wiiqo maleeshiyada Al Shabaab.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ganacsatada ugu baaqay in codkooda kor u qaadaan, isla-markaana ay kaalintooda ka soo dhalaalaan.

“Raysal Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay shacabka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan ciribtirka Khawaariijta, gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada oo sameeyay abaabul xoog leh, oo ay ku muujinayaan in hadda la gaaray xilligii la iska tuuri lahaa heeryada Khawaariijta dhiig miiratada ah, isagoo ugu baaqay ganacsatada inay qaataan doorkooda, codkoodana kor u qaadan.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale Golaha Wasiirada ayaa meel mariyay heshiisyo iyo is afgarad ay Dowladda Somaliya la gashay Dowladaha Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.