1 min read

Ciidanka Xoogga oo howlgal ka dhacay Galgaduud ku khaarajiyay 5 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Muqdisho :-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ay ka fuliyeen deegaannada Garileey iyo Cali-Yabaal ee Gobolka Galgaduud ku dilay 5 dhagarqabe oo tirsan Khawaarijta Alshabaab sida uu SONNA u xaqiijiyay Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga General Cali Caanood.

General Cali Caanood ayaa sidoo kale sheegay in deegaanka Jirjir-xiireey oo u dhaxeeya Ruun-nirgood iyo Cali-Heelle ee kala ah gobollada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud laga saaray Khawaarijtii keymahaas ku dhax-dhuumanayay.

Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka howgallo culus ka wadaan dhulka keymaha ah, isagoo sheegay in ciidankaas ku wajahanyihiin magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee ah labada degmo ee kali ah gobolkaas ee ku haray gacanta Khawaarijta Alshabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaa shaanaya saaxiibada caalamiga ayaa howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta ka wada goobaha ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta, iyagoo ka saaray dhulal badan oo argagixisada ku dhibaateyn jirtay shacabka Soomaaliyeed.