1 min read

Aqalka Sare oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS.

Muqdisho:-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ooy wehliyaan ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga Saddexaad kulankiisa 5-aad ee Golaha Aqalka Sare oo ajandihiisu ahaa Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare dulmar guud ugu sameeyay sharciga Hantidhowrka Guud ee Qaranka, waxyaabaha uu sugayo iyo muhiimaddiisa.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray ayaa Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare faray inay ka howl galaan Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka, kana gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee saaran isla markaana fadhiga guud ee Golaha ay dib ugu soo celiyaan.