02 May, 2024
1 min read

Cali Guudlaawe oo gaaray degaannadii lagu dagaalamay & Shirka Nabadda oo maanta furmaya.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada Jowhar Axmed Meyre Makaraan iyo Madaxweynihii hore ee  Dowladii kumeel gaarka aheed ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh ahmed ayaa Deeganka Burka Dirimeed kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen. Degaanka Burka Dirin oo ah goobta ay fidsantahay gogosha nabadeed ee beelaha walaalaha ee ku dagaalamay Deegaano […]

1 min read

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo shirguddoomiyay kulanka 3-aad ee wadajirka Baarlamaanka labadiisa Aqal.

Muqdisho,:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa 3-aad ee wadajirka ah oo ajandihiisu ahaa warbixinta akhrinta 2-aad ee xeerka qoondaha ku noqoshada Miisaaniyadda 2023-ka. Fadhiga Golaha ayaa waxaa guddoomiyaha ku wehelayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ku-xigeennada […]

1 min read

MadaxWeyne Xasan Sheekh oo Mareykanka kala hadlay Arrin la xiriirta Cunaqabateyn Maaliyadeed ee Al-Shabaab..

Muqdisho ;- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Ku-xigeenka xoghyaha Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Mudane Brian Nelson ayaa soo bandhigay tallaabooyina dowladda Soomaaliya ay ku wiiqday dakhliga iyo dhaqaalaha argagixisada Al -Shabaab. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xeerarka iyo shuruucda loo jideeyey cunaqabateynta maaliyadeed ee […]

1 min read

Xeer ilaaliyaha Guud :- “waa in si hufan ay ugu adeegaan hay’addah garsoorka Bulshada”+ Video

Muqdisho,:- Xeer ilaaliyaha guud Ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ka qayb galayay dood looga hadlayay Baarista iyo Maxkamadeynta Dacwadaha la xiriirah Maandooriyaha ayaa sheegay in hay’addah dowladda Ee Booliiska iyo Xeer ilaalinta ay u adeegaan Bulshada qaybahooda kala duwaan. “Masuuliyiinta qaybahooda kala duwaan Ee ka shaqaynaya Xafiisyada Hay’ddaha Booliiska iyo Xeer ilaalinta  waa inay […]

1 min read

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadley Xaaladda Amniga Dalka.

Muqdisho, ;-Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallim Maxamuud Sh. Cali ayaa looga hadley xaaladda amniga dalka, Isla markaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka. Golaha Wasiirada ayaa dhegestey warbixino ku saabsan guulaha Ciidanka Xoogga Dalka […]

1 min read

Saraakiil ka tirsan ciidanka Niger oo ku dhawaaqay afgambi mileteri.

Askar ka tirsan dalka Niger ee dhaca galbeedka Afrika ayaa khudbad ay ka jeediyeen TV-ga kaga dhawaaqay inqilaab ciidan oo ay xilka kula wareegeen hoggaanka dalkaasi Askartaasi waxa ay sheegeen in ay laaleen dastuurkii ayna kala direen, dhammaan hay’adaha dowladda, isla markaana ay xireen xuduudaha dalka. Madaxweynaha Niger Mohamed Bazoum ayaa waxaa gacanta ku haya […]

1 min read

Kooxda Arsenal oo Barcelona 5-3 ku garaacday iyo Manchester United oo laga badiyay.

Kooxaha Ingiriiska iyo kuwa kale ayaa ku guda jira diyaar garowga kulamada kala duwan ee ka dhisan Yurub, iyagoo cayaaraya kulamo saaxibtinimo ah. Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa 5-3 kaga adkaatay Barcelona, kulankaas oo ka dhacay gobolka Los Angeles ee Mareykanka. Shanta gool waxaa Arsenal u kala dhaliyay Bukayo Saka, Kai Havertz, Leandro Trossard […]

1 min read

RW Xamse oo madaxweynaha Kenya Ruto kala hadlay fududeynta dal ku galka Kenya iyo ciribtirka Al-Shabaab.

Muqdisho,:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Dar es Salaam kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha Kenya William Ruto, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo isu socodka labada dal. Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa isla gartay ahmiyadda uu leeyahay dagaalka lagu ciribtirayo […]

1 min read

Dowladda Soomaaliya oo laga cafiyay dayn gaaraysa $684-Million.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dowladda Ruushka la saxiixatay heshiis ay kaga cafineyso lacag deyn ah oo ka badan $684 Milyan, sida uu sheegay wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Biixi Imaan Cigeh. “Farxad ayay ii ahayd inaan Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Dalka Ruushka la saxeexdo heshiis ay Dawladda Ruushku dalkeenna kaga dhaaftay lacag ka badan $684 Milyan. […]