1 min read

Cali Guudlaawe oo gaaray degaannadii lagu dagaalamay & Shirka Nabadda oo maanta furmaya.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada Jowhar Axmed Meyre Makaraan iyo Madaxweynihii hore ee  Dowladii kumeel gaarka aheed ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh ahmed ayaa Deeganka Burka Dirimeed kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Degaanka Burka Dirin oo ah goobta ay fidsantahay gogosha nabadeed ee beelaha walaalaha ee ku dagaalamay Deegaano u dhaxeeya Degmooyinka Cadalle iyo Raagaceelle

Shirka dib u hishiisinta beelahan walaalaha ayaa si rasmi u furmi doona maalinta Jimcaha ee berito,waxaana goob joog ah Odoyaasha dhaqanka labada dhinac Imaam Daahir Imaam Mohamuud iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaaas oo maalmihii u dambeeyey waday sidii xal looga gaari lahaa dagaalada soo laalaabtay ee u dhaxeeya Bulshada wada degta Deeganada Ragacelle ilaa Cadale.