1 min read

MadaxWeyne Xasan Sheekh oo Mareykanka kala hadlay Arrin la xiriirta Cunaqabateyn Maaliyadeed ee Al-Shabaab..

Muqdisho ;- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Ku-xigeenka xoghyaha Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Mudane Brian Nelson ayaa soo bandhigay tallaabooyina dowladda Soomaaliya ay ku wiiqday dakhliga iyo dhaqaalaha argagixisada Al -Shabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xeerarka iyo shuruucda loo jideeyey cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada iyo tallaabooyinka sirdoon ee lagu burburiyey ilaha-dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen argagixisadu ay soo dedejisay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhibaateynayeen shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala hadlay Ku-xigeenka Xoghayaha Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Mareynka ee cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada, doorka ay ka qaadanayaan wajiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta iyo hormarka laga sameeyay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Dhankiisa, Brian Nelson ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha soo dhaweynta iyo kulanka ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya ka hortaga lacagaha sharicdarada iyo ladagaallanka argagixisada.