1 min read

Kooxda Arsenal oo Barcelona 5-3 ku garaacday iyo Manchester United oo laga badiyay.

Kooxaha Ingiriiska iyo kuwa kale ayaa ku guda jira diyaar garowga kulamada kala duwan ee ka dhisan Yurub, iyagoo cayaaraya kulamo saaxibtinimo ah.

Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa 5-3 kaga adkaatay Barcelona, kulankaas oo ka dhacay gobolka Los Angeles ee Mareykanka.

Shanta gool waxaa Arsenal u kala dhaliyay Bukayo Saka, Kai Havertz, Leandro Trossard oo laba gool dhaliyay iyo Fabio Viera.

Dhanka kale, waxaa wada cayaaray Manchester United iyo Real Madrid, waxaana Real ay ku badisay 2-0. Jude Bellingham ayaana dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay.

Chelsea iyo Newcastle iyo Chelsea bar barbardhac 1-1 ah.