1 min read

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo shirguddoomiyay kulanka 3-aad ee wadajirka Baarlamaanka labadiisa Aqal.

Muqdisho,:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa 3-aad ee wadajirka ah oo ajandihiisu ahaa warbixinta akhrinta 2-aad ee xeerka qoondaha ku noqoshada Miisaaniyadda 2023-ka.

Fadhiga Golaha ayaa waxaa guddoomiyaha ku wehelayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ku-xigeennada labada guddoomiye. Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday heerka qoondaha ku noqoshada Miisaaniyadda 2023-ka, iyadoona su’aalo laga weeydiiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Xange, iyo masuuliyiinta kale ee ka socday Wasaaradda.

Xildhibaanada labada aqal ayaa su’aalo iyo talo soo jeedin u jeediyay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda XFS, iyo Guddiga Maaliyadda labada aqal, waxaana ay ka jawaabeen su’aalihii loo soo jeediyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray kulanka maanta ayaa Guddiga Maaliyadda labada golle ee BJFS u sheegay in la tixgeliyo soo jeedinta iyo talooyinka xildhibaanada, waxaa uuna Xildhibaannadda labada aqal ee BJFS u sheegay in kulanka maanta uu xiran yahay.