1 min read

G/Sare Ow Baroow Beerta dhowr ayaa yiri: Ar ununkaa?

G/Sare Ow Baroow Beerta dhowr ayaa yiri:

Ar ununkaa?

Waa yaabnay, waa amankaagnay. Waxaan aragnay Katiinad “Jeebo” Haddii Dhinac Dollar ka soo galo, dhinaca kale uu iskis u furmaa, Maxbuuskii waa la la’yahay.

Ar ununkaa.

waxaan aragnay, Dad ku jiro jeelka oo la leeyahay Xoola ummadeed ayey dheceen, ayna Saraakiil aad u dhiifoon ay Xabsiga ku ilaalinee iyo Sara dheedheer oo Hotel Jazeera Agtiisa laga sii Mulmulaa oo Cirka loo sii wado, oo la leeyahay waxaa leh dhowr sarkaal oo ah Madaxda Jeelasha ah oo Mushaarkooda ka dhistay.

Ar ununkaa.

Waxaan aragnay, Dowlad hoose oo Dakhligu Dariishadda ka soo galaa, Darbigana ka baxaa.

Ar ununkaa

Waxaa ka sii daran oo aan aragnay…shib naga dheh, Run sheeg waa ceeb sheeg.

Run miyaa? Ma ogi.

Qore: Yahya Amir