1 min read

Xeer ilaaliyaha Guud :- “waa in si hufan ay ugu adeegaan hay’addah garsoorka Bulshada”+ Video

Muqdisho,:- Xeer ilaaliyaha guud Ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ka qayb galayay dood looga hadlayay Baarista iyo Maxkamadeynta Dacwadaha la xiriirah Maandooriyaha ayaa sheegay in hay’addah dowladda Ee Booliiska iyo Xeer ilaalinta ay u adeegaan Bulshada qaybahooda kala duwaan.

“Masuuliyiinta qaybahooda kala duwaan Ee ka shaqaynaya Xafiisyada Hay’ddaha Booliiska iyo Xeer ilaalinta  waa inay noqdaan dad bulshadu ay heli karto iyadoo aan cid kale loo soo marin si cabashooyinka loogu soo gudbiyo,waxaa muhiim ah in taliyaha qaybta ama hoggaanka u noqdo masuul la soo gaari karo oo laga heli karo xafiiskiisa waana mida kaliyah ee ay bulshada ay ugu ku kalsoonaan karan kana dhigi karta shaqada mid hufan,hadii ay dhacdo in si qaldan qof loo xiro oo u qofka cabasho ka yahay xarigii la xiray Ee sida qaldan loo soo xiray  waxaan u sheegayna xafiiska xeer ilaaliyaha in u lee yahay Lambar gaaban oo lagala soo xiriir karo si qofkaas u tabashada u qabo u soo  gudbiyo Xafiiska Xeer ilaaliyaha,waxaa jira guddi kormeerah saldhigayada oo xaafiiska xeer ilaalinta ka tirsan isaga ayaan xaqiijiyah dhacdooyinka inta badan run ahaanshiyahooda”.Xeer ilaaliyah guud Ee Qaranka ayaa sidaas yiri.

Halkaan Hoose ka daawo Muuqaalka Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ka hadlayay arrimo la xariira Baarista iyo Maxkamadeynta Dacwadaha Maandooriyaha .