28 Apr, 2024
1 min read

Ciidamada Kumaantooska Danab iyo Gorgor oo hawlgallo qorshaysan ka wada Galgaduud.

Galcad :- Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kumaandooska Danab iyo Gorgor ayaa maanta howlgalo lagu baacsanayo Khawaarijta kawada deegaano hoos yimaada dagmadda Galcad ee gobolka Galgaduud. Howlgalkan ayaa lagu xaqiijinayay ammaanka deeganada iyo dhulka miyiga ah oo khawaariijtu si dhuumaaleysi ah ay ugu dhibaateeynayeen dadka shacabka ah. Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ciidan […]

1 min read

Xog: Maxaa diiday in wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh gudaha u galaan magaalada Jowhar?.

JOWHAR :- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho aan la sii shaacin ku tagay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha iyo wafdigii la socday ayaa waxay kulan kula qaateen garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar madxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo xubno ka tirsan labada gole ee maamulkiisa. Lama sheegin sababta madaxweynaha Soomaaliya gudaha magaalada […]

1 min read

Xisbiga UCID oo gaashaanka ku dhuftay go’aankii dooarshada ee guddigga Doorashooyinka Somaliland.

Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland ayaa hadal qoraal ah oo uu soo saaray gaashaanka ku dhiftay hadalkii ay maalintii shalay guddigga Doorashooyinka Somaliland ay kasoo saareen doorshooyinka Somaliland. Qoraalkan oo ssxaafadu heshsy ayaa waxa lagu sheegay in kadib markii shir ay iskugu yimaadeen guddiga fulinta UCID 18/07/2023 kaas oo lagu lafagurayey xaaladda guud […]

1 min read

Ciyaaryahan Rashford oo heshiis cusub la galay Manchester United.

Ciyaaryahanka kubadda cagta Marcus Rashford ay, taas oo ka dhigeeyso weeraryahankan England u dhashay in uu noqdo ciyaartooyga ugu mushaarka badan horyaalka Premier League. 25 Jirkan ayaa heshiiskiisi hore uu dhacayey sanadka danbe . Rashford ayaa wadahadal kula jiray Manschester sidii loo kordhin lahaa qandaraaskiisa 12kii bilood ee ugu damnbeyay iyada oo kooxda ParisSaint-Germain ay […]

1 min read

Ciidamada Mareykanka oo malaayiin farriimo ah si aan ku talagal aheyn ugu diray saaxiibbada Ruushka.

Qalad dhacay awgiis,ayaa malaayiin E-maillo ah ciidanka Maraykanku direen xulufada Ruushka. E-maillada oo loogu talagalay in lagu soo diro magaca “.mil” ee ay adeegsadaan ciidamada Mareykanka ayaa loo diray Mali, oo ku taal galbeedka Afrika iyadoo la adeegsanayo astaan ciwaan oo ah “ml”. E-maillada qaar ayaa sidoo kale ka koobnaa macluumaad xasaasi ah sida furaha […]

1 min read

RA’IISUL WASAARE XAMSA OO XARIGGA KA JARAY XARUNTA KEYDKA QARAN EE DAAWADA SOOMAALIYA.

Muqdisho :-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Xarunta Dhexe ee Qaranka ee Keydka Daawada Soomaaliya, taas oo daboolaysa baahida ay dadweynaha Soomaaliyeed u qabaan daawo tayo leh oo la hubiyey badqabkeeda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in hirgelinta xaruntani ay ka tarjumeyso halbeeg muhiim ah oo la xaqiijiyey, […]

1 min read

Madaxweyne Erdogan oo booqasho ku jooga Dalka Sacuudi Carabiya.

Madaxweyne Erdogan ayaa maanta oo Isniin ah gaaray dalka Sacuudiga, isagoo ay la socdaan 200 oo qof oo ganacsato ah, sida laga soo xigtay guddiga xiriirka dhaqaalaha dibadda ee dalkaasi. Erdogan iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ka qeyb galay xaflad ay heshiis ku kala saxiixdeen shirkadda difaaca Turkiga ee Baykar iyo wasaaradda gaashaandhigga […]

1 min read

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo xukun ku ridday nin ka tirsanaa Al-Shabaab.

Muqdisho :- Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ayaa maanta 10 sano oo xabsi ah ku ridday Yuusuf Xasan Ibraahim oo 42 jir ah, kana tirsanaa kooxda khawaarijta ah ee Al-shabaab. Yuusuf oo tan iyo 2019 ka tirsanaa Argagixisada ayaa khawaarijta u qaabbilsanaa basaasidda dhaqdhaqaaqa Ciidanka xoogga dalka ee isticmaala waddada ceelasha biyaha marka ay gudbayaan iyo […]

1 min read

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle oo DF ka codsatay ka qeyb qaadashada xal u helida colaadda ka taagan Shabeelaha dhexe.

Dowlad gobaleedka Hirshabeelle, ayaa ka hadlay dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure (Karoorre), ayaa sheegay in colaadda ka taagan degaannada hoostaga degmooyinka Cadalle iyo Raaga-Ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ay tahay mid u […]