Ciidamada Mareykanka oo malaayiin farriimo ah si aan ku talagal aheyn ugu diray saaxiibbada Ruushka.
Qalad dhacay awgiis,ayaa malaayiin E-maillo ah ciidanka Maraykanku direen xulufada Ruushka.
E-maillada oo loogu talagalay in lagu soo diro magaca “.mil” ee ay adeegsadaan ciidamada Mareykanka ayaa loo diray Mali, oo ku taal galbeedka Afrika iyadoo la adeegsanayo astaan ciwaan oo ah “ml”.
E-maillada qaar ayaa sidoo kale ka koobnaa macluumaad xasaasi ah sida furaha sirta ah, diiwaannada caafimaadka, iyo qorshayaasha safarka ee saraakiisha sare.
Sida laga soo xigtay wargeyska Financial Times, oo markii ugu horreysay warkan sameeyay, ganacsadaha dhanka internetka ee Holland Johannes Zuurbier ayaa ogaaday arrintaan sida lama filaanka ah u dhacday 10 sano ka hor.
Zuurbier ayaa qandaraas kula jiray dowladda si ay u maamusho magaca Domain-ka Mali tan iyo 2013-kii, waxaana bilihii la soo dhaafay ay aruurisay tobanaan kun oo emaillo ah oo si khaldan loo diray.
Midkoodna ma laha calaamado sir ah, laakiin e-maillada waxa kale oo ka mid ahaa xogta caafimaadka, xarumaha ciidamada Maraykanka, diiwaannada maaliyadeed, qorshayaasha safarka ee saraakiisha sare, iyo qaar ka mid ah farriimaha diblomaasiyadeed, sida uu sheegay wargeysku.
Zuurbier ayaa warqad u qoray mas’uuliyiinta Mareykanka isagoo uga warbixinaya falkaan. Ganacsadaha reer Holland ayaa sheegay in qandaraaska uu kula jiro dowladda Mali uu dhici doono dhawaan, taasoo la micno ah in “khatarta ay tahay mid weyn.
Maali, maamulka militariga ayaa la filayay in uu la wareego maamulka domainka isniinta.Sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga oo ay BBC-da la xiriirtay ayaa xusay in arrintan la ogaaday oo si dhab ah loo qaatay.