1 min read

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo xukun ku ridday nin ka tirsanaa Al-Shabaab.

Muqdisho :- Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ayaa maanta 10 sano oo xabsi ah ku ridday Yuusuf Xasan Ibraahim oo 42 jir ah, kana tirsanaa kooxda khawaarijta ah ee Al-shabaab.

Yuusuf oo tan iyo 2019 ka tirsanaa Argagixisada ayaa khawaarijta u qaabbilsanaa basaasidda dhaqdhaqaaqa Ciidanka xoogga dalka ee isticmaala waddada ceelasha biyaha marka ay gudbayaan iyo xilliga ay Muqdisho kusoo laabanayaan.

Ninkan ayaa sheegay in uu mushaar ahaan u qaadan jiray $130, waxaana lagu qabtay howlgal ciidan oo 19 kii January ee Sanadkan ka dhacay degaanka ceelasha xilli uu watay Caag ay ku wada jiraan Masaggo iyo Bastoolad.