1 min read

Ciidamada Kumaantooska Danab iyo Gorgor oo hawlgallo qorshaysan ka wada Galgaduud.

Galcad :- Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kumaandooska Danab iyo Gorgor ayaa maanta howlgalo lagu baacsanayo Khawaarijta kawada deegaano hoos yimaada dagmadda Galcad ee gobolka Galgaduud.

Howlgalkan ayaa lagu xaqiijinayay ammaanka deeganada iyo dhulka miyiga ah oo khawaariijtu si dhuumaaleysi ah ay ugu dhibaateeynayeen dadka shacabka ah.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ciidan oo lagu ciribtirayo kooxda Khawaarjita ah, si deegaanada ay mudada cadaadiska ku hayeen loo gaarsiiyo nidaamka dowladnimada.