1 min read

Ciyaaryahan Rashford oo heshiis cusub la galay Manchester United.

Ciyaaryahanka kubadda cagta Marcus Rashford ay, taas oo ka dhigeeyso weeraryahankan England u dhashay in uu noqdo ciyaartooyga ugu mushaarka badan horyaalka Premier League.

25 Jirkan ayaa heshiiskiisi hore uu dhacayey sanadka danbe . Rashford ayaa wadahadal kula jiray Manschester sidii loo kordhin lahaa qandaraaskiisa 12kii bilood ee ugu damnbeyay iyada oo kooxda ParisSaint-Germain ay isha ku haysay xaaldaada wadahadalka .

Warkan ayaa waxa uu guul weeyn u yahay Erik ten Hag tababaraha Manchester United kaas oo ka caawiyay Rashford xilli ciyaareedkiisiu ugu wanaagsanaa ee kooxda xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Rashford ayaa dhaliyay 30 gool 56 kulan oo uu saftay taas oo ka dhigeysa xilli ciyaareedkiisii ugu wanaagsanaa.

Kooxda PSG ee haysata Horyaalka Faransiiska ayaa lasoo weriyay inay usoo bandhigeen Rashford mushaar ka badan kan ay usoo bandhigtay Manchester United, laakin weeraryahankan ayaa doortay in uu doonayo in uu lasii joogo kooxda Manchester United oo uu caruurnimadiisii kusoo biiray .