1 min read

Xisbiga UCID oo gaashaanka ku dhuftay go’aankii dooarshada ee guddigga Doorashooyinka Somaliland.

Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland ayaa hadal qoraal ah oo uu soo saaray gaashaanka ku dhiftay hadalkii ay maalintii shalay guddigga Doorashooyinka Somaliland ay kasoo saareen doorshooyinka Somaliland.

Qoraalkan oo ssxaafadu heshsy ayaa waxa lagu sheegay in kadib markii shir ay iskugu yimaadeen guddiga fulinta UCID 18/07/2023 kaas oo lagu lafagurayey xaaladda guud ee dalka gaar ahaan go’aankii Guddigga Doorashooyinka ay kasoo saareen doorashooyinka Somaliland, ayeey guddiga fulinta UCID ku tilmaameen mid sharci darro ah oo aan wax kasoo qaad lahayn , waxayna intaasi ku dareen in go’aankaasi lagu diyaariyay meel ka baxsan Commisionka waa sida ay haadlak u dhigeene

Guddiga Fulinta UCID ayaa uga digay guddigga Doorashooyinka gaar ahaan garabka Muuse Biixi iyo xukuumada waa sida ay hadalka u dhigeene in ay qabtaan doorasho aan sharci ahayn waxayna ugu baaqeen in ay kusoo nqodaan xeeyndaabka sharciga.