1 min read

Xog: Maxaa diiday in wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh gudaha u galaan magaalada Jowhar?.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho aan la sii shaacin ku tagay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha iyo wafdigii la socday ayaa waxay kulan kula qaateen garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar madxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo xubno ka tirsan labada gole ee maamulkiisa.

Lama sheegin sababta madaxweynaha Soomaaliya gudaha magaalada Jowhar u tagi waayay balse ilo wareeydo deegaanka ku sugan ayaa sheegay in biyo aad u badan ay yaalaan inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha iyo magaalada Jowhar.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la tilmaamay in uu la xiriiro laba arrimood.

1- Xiisadda siyaasadeed ee ka jirta HirShabeelle, taas oo ka dhalatay xil ka qaadistii guddoomiyahii hore ee gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

2- Iyo arrinta labaad oo la sheegay in ay tahay dardargalinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabab ee ka socda gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, xili dowlada Somaliya ay haatan qorsheyneyso wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo ay ka qeyb-galayaan waddamada dariska.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan weli war kasoo saarin socdaalka madaxweynaha ee Jowhar.