1 min read

Madaxweynaha oo gaaray Kampala, soona bandhigaya qorshaha dowladda ee la wareegista amniga dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee waddanka Uganda, halkaas oo uu ka furmayo shir-madaxeedka dalalka ciidamadooda ay ka qeyb-qaadanayaan howlgalka midowga Africa ee ATMIS, halkaas oo uu kusoo bandhigi doono go’aanka dowladda ee la wareegista amiga dalka, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.

“Madaxda ayaa ka arrinsanaya hannaanka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay si buuxda ugula wareegi lahaayeen amniga dalka dhammaadka sannadkan iyo qorshaha Ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay kaga qeyb qaadanayaan howlgallada dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab” ayaa lagu yiri bayaanka madaxtooyada.

“Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha isdabajoogga ah ee geesiyaasha Soomaaliyeed ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee wajiga labaad ee howlgalka lagaga cirib-tirayo khawaarijta Alshabaab dalka iyo guud ahaan gobolka” ayuu raaciyay bayaanka Villa Somalia.

Sanad ka hor, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, oo loo yaqaan ATMIS, si ay u taageeraan Soomaalida ilaa inta ay ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka dhammaadka 2024-ka.

Midowga Afrika ayaa bishii hore ee Maarso dalbaday lacag ku dhow 90 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo loogu talagalay ciidamadooda nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, kuwaas oo taageero siiya ciidamadooda milateriga ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.