April 26, 2023
Madaxweynaha oo gaaray Kampala, soona bandhigaya qorshaha dowladda ee la wareegista amniga dalka.
KAMPALA:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee waddanka Uganda, halkaas oo uu ka furmayo shir-madaxeedka dalalka ciidamadooda ay ka qeyb-qaadanayaan howlgalka midowga Africa ee ATMIS, halkaas oo uu kusoo bandhigi doono go’aanka dowladda ee la wareegista amiga dalka, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya. “Madaxda ayaa ka arrinsanaya hannaanka Ciidamada Qalabka Sida […]
Ciidamada DANAB oo gar gaar raashiin ah gaarsiiyay dad shacab ah.
Ciidamada Danab ee dowladda Soomaaliya, ayaa waxay gaarsiiyeen gargaar cunto dad shacab ah. Ciidankan ayaa waxey leeyihiin qeyb u qaabilsan arrimaha gargaarka goobaha dagaaladu ka dhacaan. Sidoo kale, ayaa waxay ururiyaan warbixinada la xiriira cabashooyinka ka dhaca xilliyada dagaalada. Qaybtan ayaa gargaar cunto iyo dawo gaarsiiyay goobaha ay ka dhaceen dagaalada lala galo Al shabaab, […]
Midowga Yurub oo uga dhawaaqay Muqdisho mashaariic ku kacayso Malaayiin Doolar.
Midowga Yurub, ayaa Muqdisho uga dhawaaqay mashruuc ku kacaya 4.5 Milyan oo Yuuro. Mashruucani ayaa looggu talagalay xasilinta deegaannada iyo degmooyinka laga saaray ururka Al-Shabaab. Mashruucan ayaa siinaya deegaannada laga saaray Al-Shabaab dhismaha saldhigyo boolis, qodista ceelal biyoodyo iyo rakibidda layrarka cadceedda ku shaqeeya. Sidoo kale, mashruuca waxaa qeyb ka ah qabashada kulamo dibu- heshiisiin […]
Man City vs Arsenal: Loollanka hanashada horyaalka Premier League.
Manchester:- Kooxda difaacanaysa horyaalka ee Manchester City ayaa caawa go’aan ka gaareysa haddii ay u suuragaleyso dhammaadka xilli ciyaareedkan inay hantaan horyaalkoodii shanaad ee Premier League lix sano gudahood, marka ay kahor tagtoo kooxda hoggaamineysa horyaalka ee Arsenal. Ciyaartan oo bilo badan la sugayay ayay kooxda City si weyn u dooneysaa inay sanadkan ku guuleysato […]
Soomaali laga soo daad gureeyey dalka Sudan oo gaarey magaalada Muqdisho.
Diyaarad siday sideed iyo toban qof oo Soomaali ah oo laga soo daadgureeyay dalka Sudan, ayaa maanta oo Arbaca ah kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.
Odayaasha dhaqanka ee waday dhexdhexaadinta dagaalka Laascaanood oo la kulmay shir guddoonka Golaha Guurtida.
Odayaasha dhaqanka ee waday dhexdhexaadinta dagaalka Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa maanta kulan la yeeshay shir guddoonka Golaha Guurtida. Odayaasha dhaqanka ee koonfurta Soomaaliya uga yimid dhexdhexaadinta colaadda Sool, ayaa gaarey shaley magaalada Hargeysa. Odayaashan ayaa kal hore tagey magaalada Laascaanood, halkaas oo ay kula soo kulmeen Garaadada SSC. Waxey hawlahan dhex dhexaadinta ku jireen […]
Dagaalka Sudan oo dib u billowday iyadoo xabbad-joojin horay looga dhowaaqay
Khartoum:- Dagaal ayaa mar kale ka qarxay Sudan habeenkii Talaadada, inkasta oo ay xabbad-joojin ku dhowaaqeen dhinacyada dagaallamaya, halka ergeyga QM uu sheegay in xabbad-joojint ay qeyb ahaan dhaqan gashay. Ciidamada Militariga iyo kuwa sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic ama RSF ayaa xabbad-joojin 72 saac isku raacay taasi oo billaabaneysay Talaadadii kadib dhex-dhexaadin […]
Kenya: Tobanaan qof oo is-dilay ayagoo aaminsan inay la kulmayaan Nebi Ciise.
Malindi:- Khasaaraha dhimasho ee beer ku taalla dalka Kenya, halkaasi oo wadaad diimeed kirishtan ah uu xertiisa ku hoggaamiyey inay gaajo u dhintaan, ayaa Talaadadii gaartay 90 qof, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha. Tirada cusub ayaa timid kadib markii booliska ay soo saareen meydadka 17 qof. Tirada guud ee dadka lasoo badbaadiyey ayaga oo […]
Hay’adda FAO oo sheegtay in ku dhawaad 7 milyan oo Soomaali ah ay wajahayaan cunno yari.
WASHINGTON — Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ee FAO ayaa sheegtay in malaayiin Soomaali ah ay weli waajahayaan cunno yaraan, waxaana qoraal kasoo baxay FAO lagu sheegay in ku dhowaad 6.6 milyan oo qof ay waajahayaan xaalad qalalaase cunto ah ama mid intaasi kasii daran ilaa bisha Juun ee sannadkan. Waxay sheegtay hay’addani in […]
Wadahadallada dowladda Itoobiya iyo Jabhadda OLA oo Zanzibar ka billowday.
Zanzibar — Wajigii koowaad ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo jabhadda Oromada ee OLA ayaa Talaadadii ka furmay dalka Tanzania, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay afhayeen u hadlay jabhadda. Odaa Tarbii oo ah afhayeen u hadlay OLA ayaa sheegay in labada dhinac ee iska soo horjeeda uu wadaxaajood horudhac ah uga […]