1 min read

Ciidamada DANAB oo gar gaar raashiin ah gaarsiiyay dad shacab ah.

Ciidamada Danab ee dowladda Soomaaliya, ayaa waxay gaarsiiyeen gargaar cunto dad shacab ah.

Ciidankan ayaa waxey leeyihiin qeyb u qaabilsan arrimaha gargaarka goobaha dagaaladu ka dhacaan.

Sidoo kale, ayaa waxay ururiyaan warbixinada la xiriira cabashooyinka ka dhaca xilliyada dagaalada.

Qaybtan ayaa gargaar cunto iyo dawo gaarsiiyay goobaha ay ka dhaceen dagaalada lala galo Al shabaab, ka kor inta aanay goobahaasi wax gargaar ah gaarsiin hay’adaha caalmiga ah .