April 16, 2023
Gobolka Montana ee Maraykanka oo mamnuuci doona isticmaalka TikTok.
Gobolka Montana ee dalka Maerykanka, ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Maraykanka oo meel mariyo sharci mamnuucaya isticmaalka Tiktok. Haddii guddoomiyaha gobolka uu saxiixo lasoo gudbiyey sharciga, ayaa waxaan shaki ku jirin in isticmaalka Tiktok uu noqon doonto dembi. Tallaabadan muhiimka ah ee uu gobolku si rasmi ah ugu mamnuucayo Tiktok sababo amni awgood, ayaa […]
Dalka Sudan oo uu wali ka socdo dagaal xooggan.
Iyadoo ay weli dagaallo ka socdaan guud ahaan dalka Suudaan, labada dhinacba, ayaa waxay soo gudbinayaan sheegashooyin baaxad leh, balse aan la xaqiijin oo ku saabsan baaxadda dhulka ay maamulaan. Ciidamada Suudaan, ayaa sheegay in ay la wareegeen saldhigyo istiraatiiji ah, oo ay lahaayeen ciidamada baritaaridda deg degga ah (RSF) ee magaalooyinka Port Sudan, Kasala, […]
Xubno Al-Shabaab ah oo ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho.
Ugu yaraan saddex ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab ayaa ku dhintay qarax ka dhacay degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, kadib markii ‘mooto ay qarax ku wadeen ay la qaraxday’ sida ay qortay warbaahinta dowladdu. Bayaan kasoo baxay taliska booliska ayaa lagu sheegay in maleeshiyadan ay xoog kusoo gudbeen bar koontorool oo lagu hubiyo gaadiidka, […]
3 dal oo EU ah oo wada mamnuucay raashinka UKraine .
Wasaaradda Beeraha ee Hungary ayaa ku dhawaaqday “mamnuucid ku meel gaar ah” oo ku saabsan soo dejinta badarka iyo miraha saliidda ee Ukraine, iyada oo la daliishanayo jiritaan la’aanta hannaan “macno leh” oo ay EU ku ilaalinayso “xasilloonida suuqa” oo ay ku qulqulayaan raashinkan rakhiista ah ee Ukraine. Xukuumadda Hungary way “ka go’an tahay ilaalinta […]
Orodyahanadda heerka caalami ee dalka Spain oo 500 oo maalmood ku nooleed God.
Orodyahanadda heerka caalami ee dalka Spain ,ayaa ka soo baxday god, kadib markii ayshan boqol oo maalmood ay ku qaadatay god iyada oo aan wax xiriir ah la yeelan bini’aadamka, taasoo noqon karta rikoorka cusub ee adduunka. Markii Beatriz Flamini ay gashay godka Granada, Ruushku kuma soo duulin Ukraine, duniduna wali waxay ku jirtay dhibaatada […]
Baadari loo haysto dhimashada dad cuntada ka soomay ilaa ay dhinteen si ay ula kulmaan Nebi Ciise.
Baadari Keenyaan ah oo muran badan dhaliyay, ayaa lala xiriiriyay afar qof oo gaajo u dhintay, kadib markii uu raacay caqiido diimeed oo xagjir, iyadoo markii danbe la xiray. Makenzie Nthenge, ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay awaamiir cibaadaysi oo dhanka diinta ah, oo ka dhacday gobolka xeebta ee Kilifi, kaasoo xertiisa la sheegay inay […]
Ciidamada xoogga dalka oo la wareegay Deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Bay
Ciidamada Xoogga Dalka ayaa saaka Khawaarijta ka xoreeyay Deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Bay. Wariyaha Warbaahinta Qaranka Siraaji Sheekh Isaaq oo la socda Ciidamada ayaa soo sheegaya in deegaanada Adeegow, Dhaydhayka, Tabarow, Walak iyo Arbasale oo 45 KM dhanka Waqooyi kaga beegan Magaalada Baydhabo cadowga laga dulqaaday saaka walina lagu sii baacsanayo dhulka […]
Wariye Cabdirshiid ”Joojiya Mashruuca Qabuuraha !…”
Asc waxaan rabaa inaan halkaan ka Saxo Shiikh Abdaal Magaciisu waa Shiikh Axmed Shiikh Cali Gureey oo loo yaqaan (Abdaal) Hooyo Faadumo ow Xasan Macalin Eybakay. Wuxuu ku Dhashay Tuulada Xaaji Cali Degmada Cadale waana Caan Reer Shiikh Cali GUREEY waa shiikh ilaa Jabuuti Xir ku leh oo caan ah. Waxaan Ku Bartay Hargeysa Wiilkiisa […]
Maxaad ka taqaanaa Qaraabka Culimada iyo Diinta?.
Somaliya waxaa ka jiray Culimo Suufiya la yiraa, khilaafka Culimaduna waa yaraa. Dabayaaqadii 1960aad kii, waxaa Sucuudiga ka yimid koox loo yaqiin Bidco oo uu Hogaaminayay Sh. Nur Cali Colow. Waxaana Bilaawday khilaaf Culimo. Kadibna waxaa Xigay Qulqul dhowr nuuc oo Culimo Cusub ah oo ka yimid Sucuudiga, khaliijka, Iran iyo meela kale, oo iyaga […]
Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay degaanka Budbud ee gobolka Galgaduud.+Sawirro
Warar ka imaanaya gobolka Galgaduud aya sheegaya Ciidamadda Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa degaanka ay la wareegay gacan ku heynta degaanka Budbud ee gobalka Galgaduud. Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullahi Cali Caanood ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Xoogga dalka ay maanta degaankaas si buuxda ay ugala wareegeen Alshabaab . Sidoo kale ‘ Ciidamadda Xoogga […]