1 min read

Baadari loo haysto dhimashada dad cuntada ka soomay ilaa ay dhinteen si ay ula kulmaan Nebi Ciise.

Baadari Keenyaan ah oo muran badan dhaliyay, ayaa lala xiriiriyay afar qof oo gaajo u dhintay, kadib markii uu raacay caqiido diimeed oo xagjir, iyadoo markii danbe la xiray.

Makenzie Nthenge, ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay awaamiir cibaadaysi oo dhanka diinta ah, oo ka dhacday gobolka xeebta ee Kilifi, kaasoo xertiisa la sheegay inay diyaar u ahaayeen inay soomaan, si ay u geeriyoodaan.

Tani ayaa timid, ka dib markii uu ku qanciyey baadariga inay tahay wadiiqo gaaban, oo ay kula kulmi karayaan Ciise.

Kow iyo toban qof oo aad u buk,a oo lala xiriirinayo muranka ka taagan Kaniisadda “Wanaaga Caalamiga ah” ayaa haatan waxaa lagu baxnaaninayaa cusbitaalka, ka dib markii laga soo badbaadiyay meel tuulo ah.

Qaar ayaa la sheegay inay 21 maalmood cuntada ka soomeen.

Nthenge ayaa waxa uu sheegay inuu xiray dhismihiisa kaniisada sanadkii 2019-ka, balse sidoo kale u wareegay dhanka talefishinka oo uu maamulo kanaal YouTube ah, kaasoo u muuqda inuu soo jiitay dad raacsan isaga, kuwaasoo ku kala sugan boqolaal mayl.

Bishii la soo dhaafay, Nthenge, ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta dhimashada laba carruur ah, oo waalidkood ay ku biireen kaniisadda, waxaana la rumeysan yahay inay ku biireen hannaankiisa waxbarista ee diinka Kiristaanka.

Waa uu diiday eedeymahaas, waxaana lagu sii daayay damiin.