1 min read

Wariye Cabdirshiid ”Joojiya Mashruuca Qabuuraha !…”

Asc waxaan rabaa inaan halkaan ka Saxo Shiikh Abdaal Magaciisu waa Shiikh Axmed Shiikh Cali Gureey oo loo yaqaan (Abdaal) Hooyo Faadumo ow Xasan Macalin Eybakay.

Wuxuu ku Dhashay Tuulada Xaaji Cali Degmada Cadale waana Caan Reer Shiikh Cali GUREEY waa shiikh ilaa Jabuuti Xir ku leh oo caan ah.

Waxaan Ku Bartay Hargeysa Wiilkiisa Shiikh Ilyaas Sh Axmed iyo Mayan & Safiyo Shiikh Axmed oo Deganeyd Hargeysa Suuqa IDAACADA Abtiyaalo waxaa u ah Isaaq (arab) waxaan ku Booqday Hoygeeda

Alaha u Naxariistee Shiikha Axmed Faraciisa ayaa Joogo Dhalasho ahaan Waa Maxamed Cali Cismaan (Harti Abgaal) waa Cabdala Caroone.

Tuulada ayaa loogu magac daray marka yaan lagu Been abuuran Qabuuraha waana la Heli karaa Xirtiisa iyo Dadka uu ka Dhashay Shiikh Axmed Abdaal.

Waxaa aad u yaqaan Reer Boorama oo ka Mid ah Xirtiisa illa Cusbada Jabuuti sidoo kale waxaa laga wareysan karaa Xirta Shiikh Baladka Jabuuti Shiikh Cumar Faarax kana mid ahaa Halgamayashii Xuriyad gaarsiinta Dowlada Jabuuti.

Alaha u Naxariistee sidoo kale waxaa laga Wareysan karaa Walaalahey Cabdala Caroone uu ka Dhashay Shiikha Halkaas ku Duugan Alaha u Naxaaristee waa Taariikh saxan oon la Marin Habaabin karin haloo Duceeyo Qabiil Xirtiisa ayaa u ah oo nooga Dhaw Mahadi haka Gaartee

Qalinkii” Wariye Cabdirashiid Cali Maalin.