1 min read

Ciidamada xoogga dalka oo la wareegay Deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Bay

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa saaka Khawaarijta ka xoreeyay Deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Bay.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Siraaji Sheekh Isaaq oo la socda Ciidamada ayaa soo sheegaya in deegaanada Adeegow, Dhaydhayka, Tabarow, Walak iyo Arbasale oo 45 KM dhanka Waqooyi kaga beegan Magaalada Baydhabo cadowga laga dulqaaday saaka walina lagu sii baacsanayo dhulka howdka ah.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwaa degaanka ayaa degaanno badan oo katirsan gobolada dalka kawada howlgallo ka dhan ah khawaarijta sid bulshada looga dulqaado dhibaatada ay ku hayeen muddada dheer.